Daawo+Akhriso:Gudmooiye Thaabit waxaan ku guulaysanay kalsoonida shacabka kadib markaan soo bandhignay dakhliga soo gala gobolka iyo meelaha lagu bixiyo

taabit

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo waheliyaan Gudoomiyaha Gobolka Baanadir xubno ka socday Golaha Wasiirada, Xeer ilaaliyaha Qaranka, Hanti dhowraha guud iyo Safiiro ayaa ka qayb galay xaflad lagu daah furayay barnaamij loogu magacdaray hab xisaabeedka Cusub ee maamulka gobolka Banaadir iyo dawladda Hoose ee Xamar.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo si wayn u amaanay madaxdii soo qaban qaabisay kulan ka isla xisaabtanka furan ayaa sheegay inuu ku faraxsanahay ka qaybgalka barnaamijkan kaa soo lagu soo bandhigayay dakhliga soo gala gobolka iyo meelaha lagu bixiyo, si shacabka loogu sheego adeegyada loogu qabto miisaaniyad lacageedka gobolka Banaadir. Wuxuuna tilmaamay in uu yahay mid ku dayasho mudan.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa dhankiisa sheegay in ujeedka kulan kan uu yahay sidii loo bari lahaa shacabka Muqdisho in ay ogaadeen dakhliga soo gala gobolka iyo goobaha lagu kharash gareeyo, uguna kalsoonaadaan dawladooda, ka dibna ay uga qayb qaataan shaqada qaranka. Ganacsatada iyo bulshada kalana ay u bixiso canshuurta ku waajibtay iyagoo dareensan waxyaabaha loogu qaban.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.