
Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud waxa ka qabsoomey Kulan ay iskugu yimaadeen 520 qof oo ah Dadka lixaadkooda la’ ee kunool magaalada Caabudwaaq oo sameestay urur ay kumidaysan yihiin Naafada magaalada Caabudwaaq iyagoona yeeshey Gudoomiye,Gudoomiye kuxigeen,iyo Xubno kale.
Nafaada Caabudwaaq Waxay kaloo ay sheegeen in ay yihiin dad inta badan aan helin fursadaha shaqo ee deegaanka,waxbarasho iyo Caafimaad Hay’addaha Caawiyaha dadka naafadaha ah, Dowlada Federaalka Soomaaliya, Jaaliyada deegaanka iyo dhamaan Umada Islaamka ayay ka codsadeen in ay soo caawiyaan.
Kala xariira
#Tel: 00252618893087 Gudoomiyaha ururka Naafada Caabudwaaq #Cabdikariim Axmed Cumar
Leave a Reply