Gudoomiye Jawaari oo Hambalyo udiray Gudoomiyaha Wakiilada Soomaliland

jawaari

Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta hambalyo u diray Baashi Max’ed Xaashi oo maanta  ku guuleystay doorashada xilka Guddoomiyenimo ee Golaha Aqalka Wakiilada Soomaaliland.

Mudane Max’ed Sheekh Cismaan Jawaari” Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo lahadlayay warbaahinta Qaranka ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Guddoomiyaha cusub ee Golaha aqalka Wakiilada Soomaaliland oo maanta loo doortay Baashi Max’ed Xaashi.

Doorashada Guddoomiyaha wakiilada Soomaaliland ayaa ka dambeysay kadib markii dhawaan uu xilkaasi iska casilay C/raxmaan Max’ed C/llahi (Cirro) kaasi oo u taagan qabashada xilka madaxweynaha Soomaaliland una matalaya xisbiga Wadani.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.