Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta ansixiyay Miisaaniyadda dowladda 

Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho waxaa Maanta kulan ku yeeshay xubnaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kulnkaas oo ay uga doodayeen Ajandaha ku saabsan ansixinta Miisaaniyadda dowladda ee Sanada 2017, Dood dheer kadib waxaa cod loo qaaday sidii loo ansixin lahaa miisaaniyadda dowladda waxaan intaasi kadib cod aqlabiyad leh ku ansixiyay 167 Mudane.

Shir guddoonka Baarlamaanka Federaalka Somaliya ayaa ku dhawaaqay in Miisaaniyadda Dowladda ay tahay mid ansax ah, maadaama si aqlabiyad leh xildhibaanada ay ku meel mariyeen, islamarkaasna uu go’aankaan yahay mid waafaaqsan sharciga iyo dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Qaar kamid ah Xildhibaanadda baarlamanka Soomaliya ayaa diidanaa ansixinta miisaaniyadaan Dowladda oo dadaal dheer ku bixiyey inayka hor imaadaan balse maanta ayay wasaaradda Maaliyadda ku guuleystay in loo meel mariyo sharciga maaliyadda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.