Dhagesyo:Wasiir Xoosh Jibriil oo ka yaabsadey Baarlamaanka Soomaliya

Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa Maanta Kulan ku yeeshay Xarunta ay ku shiraan Ee Golaha Shacabka ee Magalaada Muqdisho,waxaana Kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka hortagay Wasiirka Arrimaha Dastuurka Mudane C/raxmaan Xoosh Jabriil oo Xildhibaanadu ay Maalmahaan ku dhaganaayeen.

Wasiir Xoosh ayaa sheegay inuu Baarlamaanka ka raali gelinayo Hadal uu ku qoray Bartiisa Facebook iyo Twitter oo ahaa inuu ka soo horjeestay Go’aankii ay Xildhibaanadu ku laaleen Warkii Maxkamadda Sare ee ahaa in dib loogu laabto Doorashada 8-Xildhibaan oo kamida Golaha Shacabka. waxaa kaluu sheegay wasiir Xoosh haddii uu ogaan lahaa in Warkaas uu Heerkaan soo gaarayo uusan Qoreenba.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.