Akhriso:Dowlada Soomaliya oo Xirirka Ujartay Shirkadaha Gaar loo leeyahay, Shaqadiina u Wareejisey Hay’adaha Dowlada

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gabi ahaanba ka baxday heshiisyadii ay kula jirtey dhamaan shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay ee bixiya adeegyada kala duwan ee Dowladda loo sameeyo oo dowladihii ka horeeyey heshiiska lagaleen,Sharikadahan oo dhamaantood ah kuwa Soomaali leedahay ayey dowladda Federaalka ah ka laabatay qandaraasyadii ay u heysteen in ay bixiyaan adeegyada qaar ee ay ka hayaan dalka.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Bayle oo u kala socotay guud ahaan Wasaaradaha Dalka, isla markaana la ogeysiiyay Madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha, Hanti dhawraha Qaranka, Xisaabiyaha Guud iyo Hay’adaha kale dalka ayaa lagu cadeeyay laga bilaabo 31 July in ay xukuumadda Federaalka ka baxday dhamaan heshiisyadii ay kula jirtey shirkadaha sida qaarka ah loo leeyahay, wareegtadaasi oo soo baxday 29/6/2017 ayaa shirkadaahaasi waxaa loogu qabtey muddo labba Maalin oo qura ah.

Wareegtada ayaa lagu xusay in Arrintan ay timid kaddib markii Guddi ay Wasaaradda Maaliyadda u saartay ka soo tala bixinta heshiisyada sharikadahan ay taladii soo jeediyeen taas oo dowladda ku qasabtay ka laabashada heshiisyadan.

Sharikadaha uu sameynayo Qandaraas joojintaas waxaa ka mid ah:

1- .Shirkadda Visooyinka,

2-.Shirkadda Pasaporka,

3- Shirkadda Lesinada iyo Taargooyinka,

4- Shirkadda Tresmitralaha,

5- Shirkadda Gaadiidka Airporka,

6- Shirkadda Sameysa Shahaadooyinka

7-Shirkadda Notaayoyinka/Superlogoyinka,

8- Shirkadda Quality Controlka,

9-. Shirkadda PGM ee Dekadda

11- Shirkadda Scanka Dekadda,

12-Shirkadda Shatiyada kala duwan,

13- Shirkadda Sameyso Dhalashada iyo Kaarka Aqoonsiga.

14- Shirkadda Canshuuraha Guryaha,

15 Shirkadda Shidaalka siisa Ciidanka,

16 Shirkadda Raashinka iyo Cuntada siisa Police-ka,

17 – Shirkadda Shidaalka siiso Gobolka Banaadir.

waraq

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.