Garoonkii Diyaradaha Degmada Buurdhuubo oo lafuray iyo Diyaradihii oo ka shaqo bilaabay”Sawiro”

bur

Degmada buurdhuubo ee gobolka gedo waxaa xariga laga jaray garoonka diyaaradaha ee magaaladasi, Hawsha dhisida garoonka diyaaradaha degmada buurdhuubo oo mudo laba sano ah soo socotay waxaa gacanta ku haayey mamulka degmada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada deegaanka iyadoo aanay jirin cid gacan kasiisay maamulka degmada dhismaha garoonka.

Mudadii uu dhismaha garoonka socday waxaa uu soo maray marxalado kala duwan iyadoo ugu dambayn lagu guulaystay in garoonka diyaaradaha degmada buurdhuubo uu shaqo bilaabo Shalay ayeey ahayd markii ay garoonka kadagtay diyaaradii ugu horeeysay ee garoonka caga dhigto, Garoonka oo lagu magacaabo badbaado international airport ayaa hada shaqaynayo.

Gudoomiyaha maamulka degmada buurdhuubo xasan yare ayaa sheegay in hada ay kuguulaysteen in garoonka uu shaqeeyo islamarkaana bulshada deegaanka ay hada isticmaali karaan, Bulshada degmada ayaa baahi wayn u qabtay helida garoonka si baahiyaha ay qabaan ay garoonkan ugu isticmaalan.
bur

bur

bur

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.