Maqal iyo muuqaal:Booqashadii Wasiirka arimaha Dibada Dalka Noorwey iyo soomaliya oo Guul kusoo Dhamaaday

far

Madaxda ugu Sareysa Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Madaxwyane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Raysawasaare Xasan Cali Khayre ayaa xafiisyadooda ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Arrimaha Dibedda Norwey Børge Brende oo maanta booqasho ku yimid magaalada Muqdisho iyagoo kawada hadlay xiriirka u dhexeeya labada dal.

Raysawasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay ujeedka ay waftigaan u yimaadeen inay tahay Norway inay wax kabadalaan qaabkii ay ula dhaqmi jirtay Soomaliya iyadoo garab istaagayso shacabka iyo dowlada Soomaliya, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay sida ay dawladda Norway xilligan ugu heelan tahay inay gacan ka gaysato dadaallada lagu xasilinayo dalka iyo sidoo kale dhismaha dawladnimada Soomaaliya.


far

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.