XOG: Wasiirka amniga Jubbaland oo dad rayid ah xirxiray, kuna wareejiyay Dowladda Kenya.

wasiiirka amniga ee jubbaland cabdirashiid indhakoreey ayaa dhowr qof waxa uu ku xirxiray degmada baledxaawo,ee gobolka gedo.

ugu yaraan shan qof oo rayid ah ayaa ciidamo katirsan maamulkiisa waxa ay ka kaxeeyeen goobahooda ganacsi iyo xarumo waxabarasho oo ay gudaha degmadaasi kaga sugnaayeen.

Dadkan oo dhowrki maalmood ee lasoo dhaafay la la’aa halka ay jaan iyo cirib dhigeen, marne la aaminay in ladilay ayaa maanta waxaa la,helay,xog la xiriirta in uu kenya ku wareejiyay, hadane lagu hayo xabsi ku yaala Magaalada Wajeer.

Lama oga sababta uu,dadkani u xirxiray iyo waxa ka dambeeya xarigooda, balse indhakoreey caado u aheyd in uu dad badan oo aan waxba galabsan gobolka gedo ku laayay halka kuwa kalane ay xabsiyo ugu jiraan,isaga.

Horay ayey dowladda soomaaliya warqad soo,xirid ah,ugu jartay cabdirashiid indhakoreey, Balse Axmed madoobe oo ay saxiibo isku fiican yihiin ayaa u magacaabay wasiirka amniga si uu uga badbaado xariga lala damacsanaa, walow hadaba uu dalka kaga safri karo Kismaayo iyo Doolow uu qudha.

Ehelada dadka xirxiran oo Gedo Times la hadlay waxay,sheegeen in ay doolow ugu tageen Indhakoreey balse uu ugu jawaabay in dadkaasi ay cadaaladda wajihi doonaan.

Lama qariibsan karo hadii la maqlo in dhagta dhiiga loo daray Muwaadiniintaasi sida aan sharciga aheyn la isaga xirtay tiiyoo ay,dheertahay in dowladda Kenya laguba wareejiyay lamana oga sababta dowlad kale gacanta loogu galiyay.

wixii kusoo kordha kala soco Gedo Times insha allah

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.