XOG: Wasiir Kaliil iyo Xildhibaan uu Axmed Madoobe.u,Tarxiilay Gobolka Gedo..

Xilli meel xaasaasi ah uu maraayo mucaaradka maamulka axmed madoobe, ayuu dhiniciisa wadaa tarxiil la xiriira, shakhsiyadka ka horyimaada Maamulkaaas.

Wasiiru dowlaha amniga Jubbaland Maxamed Cabdi Kaliil iyo Xildhibaan Cabdikariim Sheekh Cilmi ayaa loo kala tarxiilay Magaalooyinka Garbaharay iyo Baardheere, kuwaas oo hadda kusugan degmooyinkaasi.

Kaliil iyo Cabdikariim ayaa la aaminsanyahay ineey yihiin shakhsiyaadka kahor imaadsan,siyaasadda maamulka ee kasoo jeeda Beesha Sade oo siweyn ugu xaqiran Maamulkaasi,Jubbaland.

labadani masuul ayaa isku dayay ineey kahadlaan xaqiraadda iyo tacadiyadaha lagu hayo beesha ay kasoo jeedaan, balse inta aysan hadlin ayaa laga warhelay kadibne tarxiilid ayaa loogu masaafuriyay gobolka ay,kasoo jeedaan.

Horay laba xildhibaan oo mucaaraday Axmed Madoobe ayaa loo tarxiilay Muqdisho, kadibne waxa ay kahadleen dhibaatooyinka deegaanka kajira, iyadoo ugu dambeyn xilkaqaadis ay kusameeyeen Baarlamaanka Maamulkaasi labadani Mudane.

Sikastaba Maamulka Axmed Madoobe aaminsan in hadii Mucaarad uu kubilowdo uusan,xal u heli doonin taas badalkeedane waxay doorbideen in ay tarxilaan ama xil kaqaadaan hadba cideey kadareemaan mucaaradad.

Wali kaliil iyo Cabdikariim midne kama hadal tarxiilkan lagu sameeyey, walow ay,suuragal tahay in xilliyada soo aadan ay ka hadlaan arimaha la xiriira guryo noqoshadooda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.