Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo Xukun Dila Ku Ridday “Sawiro”

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Dowladda Soomaliya ayaa saakay Xukun Dil ah ku Riday Maxamed aadan Cali Barow, oo dhawaan magaalada Baydhabo ee caasiamdda KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya ku dilay Mid kamid ahaa Ergadii Xildhibaanada maamulkaas.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida Ee Soomaaliyeed Gen Liibaan Cali Yaroow, ayaa shalay gaaray Magaalada Baydhabo waxayna guda galeen dhageysiga dacwadda loo heystay Maxamed aadan Cali Barow oo ku aadan in uu geystay dilka Shiikh Maxamed Madeer oo lagu dilay Masjid ku yaala Xaafadda Tofwiiq ee Magaalada baydhabo.

Dhageysiga Dacwadda iyo marqaatiyaal kadib Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay in Maxamed aadan Cali Barow ay ku cadaatay in uu ahaa shaqsiga fuliyay dilka Maxamed aadan Cali Barow oo kamid ahaa Ergadii Koonfur Galbeed Soomaliya, islamarkaana lagu riday Xukun dil ah.
max

max

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.