Madaxweynaha Puntland Oo Soo Gabgabeeyey Tartanka Qur’aanka Ee Bisha Ramadaan

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta ka qayb galay gunaanudka tartanka Quraanka Kariim ah ee heer Puntland oo lagu soo xidhay Masjidu Huda ee Magaalada Garoowe.

Munaasimada lagu gudoonsiinayey ardayda kaalmaha hore ka gashay tartanka Quraanka Kariim ka ah Jaa’isooyinka ayaa waxaa madaxweynaha ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Cadaalada Saalax Xaabib Jaamac, Guddiga qaban qaabada tartanka, Masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, mu’asasada Al-minhaaj, waalidiin, arday iyo marti sharaf kale.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.