Muuqaal:Maalinta Dhalaanka Afrika Oo Laga Xusay Garoowe

gaas

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta waxa uu ka qayb galay munaasabad lagu maamuusayay maalinta caruurta Africa oo ku beegan 16 June sanad kasta, waxaana munaasabaddaas si wada jir ah usoo qaban qaabiyay Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska iyo Wasaaradda Waxbarashada Puntland.

Madaxweynaha Puntland oo kahadlay Munaasibadaasi ayaa mahad balaadhan u soo jeediyey Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland iyo Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska oo siwadda jira u soo qaban qaabiya munaasibadani sanad walba markay ku aadan tahay ‘’16th June’’ , sidoo kale Madaxweynaha ayaa xusay in daryeelka iyo waxbarashadda dhalaanku ay tahay shaqadda ugu muhiimsan ee loo bahan yahay in bulshadu wakhti badan geliyaan si loo helo dhalaan tayo iyo tacliin wanaagsan leh.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.