Muuqaal:Raysawasaare Khayre oo la dar-daarmay Ergooyinka Shirweynaha Wadatashiga Qaran

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa u jeediyey ergooyinka ka qeyb galaya Shirweynaha Wadatashiga qaran ee hannaanka dib-u-heshiinta oo soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Ra’iisul Wasaaraha Xasan Cali Khayre ayaa sheegay inuu rajo wanaagsan ka qabo in shirkaan uu noqdo mid u horseeda horumar dhamaan shacabka ku nool Jamhuuriyadda Soomaaliya oo sanado badan ay haysteen dhibaatooyin kala duwan, isla markaana loo baahan yahay in la joogteeyo dib-u-heshiisiinta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.