Daawo:Wasiirka Maaliyada Soomaaliya Oo Daah Furay Kulan Lagaga Hadlayey Dhaqaalaha

Wasiirka wasaaradda maaaliyadda ee xukuumadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa daah furay shir looga hadlaayey dhaqaalaha waxaana ka qeygalaya wasiirada maamulada xubnaha ka ah dowldda federaalka Soomaaliya kaas oo looga hadlayo wada shaqeynta iyo iskaashiga dhexmaraya wasaaradaha dowlad goboleedyada.

Wasiirka Maaliyadda ee dowladda federalka Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle oo ka hadlay furintaanka shirka ayaa sheegay in mudadii xilka wasaaraddu uu hayay ay u suurtagashay in ay ku guuleystaan bixinta kharashaadka dowladda; sida bixinta mushaaraadka shaqaalaha dowladda, ciidanka qalabka sida iyo lacagaha lagu wada shaqada xafiisyada hey’adda dowladda.

Wasiirka Beyle ayaa sidoo kale xusay in dowladda Soomaaliya ay xooga saartay kordhinta dakhliga soo gala taasina ay wax badan ugu suurtagaleen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.