Ceelka Markablay oo Xariga Laga Jaray “Sawiro”

mark

Allaah mahadi ha kagaartee, waxaa si guul leh kusoo dhamaaday qoditaanka iyo qalabeynta Ceelka Tuulada Maykaareebey, kaas oo soo afjaray 23 sano oo tuulada biyo la’aan aheyd, dad badanna haraad daraadi uga hayaamay.
Ceelkan oo shaqadiisu socotay muddo 5 bilood ah ayaa si guul leh kusoo dhamaaday kadib markii ay iska kaashadeen jaaliyaadka Soomaaliyeed dalka iyo dibidda.
Maxamed Ibraahim Xassan oo wakiil ka ahaa Alrahma Foundation ayaa Xafladdii furitaanka ceelka uga mahad celiyay dhamaan dadkii ka qayb qaatay Ceelka asagoo sidoo kalana xusay in Ceelkani yahay Ceel Waqaf ah oo Sadaqa Jaariya ah dhamaan umada Muslimiinta ee usoo aroortana la rabo inay si cadaalad ah uga faa’idaystaan.
Sidoo kale wuxuu odayaasha deegaanka ku booriyay amaanadaas loo dhiibay inay ilaaliyaan.

Dhanka kale, Macalin Aadan Cali iyo Yare Cabdi Suulay oo kamid ah odayaasha deegaanka ayaa: Mahadda Allaah kadib, waxaan umahad celinaynaa maamulka Alrahma iyo gudiga Ceelka maykaareebey oo uu hormuudkq uyahay Dr. Maxamud Xirsi sida ay hawshaan isugu xil qaameen ugana miro keeneen.
Waxay kaloo odayaashu xuseen intaan ceelka la qodin tuulada booyada biyaha ah lagu keenayay 300$ taasoo aysan awoodin dadka badankood.

Alrahma Foundation & gudiga ceelka Maykaarebey waxay si wadajir ah umahadcelinayaan dhamaan dadkii ka qayb qaatay. “Waxaan Allah uweydinayna inuu maalkooda iyo awlaadooda ubarakeeyo”

Qodista Ceelka Maykaarebey ayaa qayb ka ah Barnaamijka soo af jaridda oonka gobolka Gedo ee ay muddo soo waday Alrahmarkmarkma Foundation, wax qabad muuqdana ka gaartay.

marka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.