Daawo:Fashil soo wajahay Barlamanka Jubbaland oo fasax galay ayaa dib loogu yeeray waxayna Sheegeen in xildhibanada Mucaradka xilka ka qaadeen

Xildhibaanada Baarlamaanka Jubaland oo fasax galay bisha Ramadaanka awgii ayaa dib loogu yeeray maanta kulan ku yeeshay magaalada Kismaayo ayaa xubinimada kala laabtay labo xubnood oo ka tirsanaa Baarlamanka oo ah garabka Mucaaradka Jubbaland.

Baarlamaanka Jubaland oo dib loogu yeeray ayaa manta waxaa shir Gudoominayey Gudoomiyaha Baarlaaanka Sh Cabdi Maxamed Cabdiraxman iyada oo ay soo xaadirtay 41 mudane waxaana ugu horayn Guddiga Anshaxa baarlamanka ay soo bandhigeen waxyaabaha ay u cuskadeen xubnaha kala ah 1-Xildhibaan cabdiqadir Ibraahim Cali iyo 2-Maxamed Cali yusuf kuwaasi oo ay Gudiga Anshaxa ku eedeeyeen in ay jabiyeen dastuurka dawlad goboledka Jubaland
Xildhibaanada Baarlamanka Maamulka Jubba-land Waxay soo jeediyeen ayna ku raacaan gudoonka iyo xubanaha baarlamanka soo jeedintooda waxaana halkaasi ay ka aqriyeen qoraal dheer oo laga soo diyaariyey labada xubnood ee maanta lagala laabtay xubinmadii baarlamaanka Jubaland.


Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.