Cabudwaaq:Maxaad Kala Socotaa Jaamacada Galgaduud oo Mareysa Diyaar Garayntii ugu dambeeysay Video+Sawiro

Iyadoo Laga duulayo la dagaalanka Jahliga ayaa waxaa soo dhamaaday mudo dhawayd wajigii kowaad ee dhismaha Jaamacada Galgaduud ee Cabudwaaq, hadana waxaa bilowday diyaar gareyntii dhulka sidii looga dhigi laha meelo Cagaaran oo indhaha u roon Ardayduna ku nasato madaama Jaamacada Galgaduud dhismaheeda cusub lagu Bilaabi doono Ardayada Sanadkaan 2017 dugsiyada Sarre kabaxday .

Maamulka iyo gudiga Jaamacada Galgaduud ee Caabudwaaq oo kala jooga dal iyo dibad ayaa waxay ka go’an tahay sidii Bulshada Galgaduud ay u heli lahaayeen Jaamacad tayo leh waana tan kaliftay in Gudoomiyaha Jaamacada Galgaduud Dr Maxamed Dirir inuu gacantiisa ku qodo dhulka oo garwaynta qaaato waana mid ku daysho mudan.

Ugu Dambayntii waxaa loogu baaqayaa cid kastoo awooda inay ka qayb qaadato dhismaha Jaamacadaan.



CW

CW

CW

CW

CW

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.