Madaxwayne Gaas Oo Dalka Kusoo Laabtay Kadib Safaro Uu Ugu Maqnaa Dibada

gaas

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta 27 May 2017 dalka dib ugu soo laabtay kana soo degey magaalada Garoowe ee caasimada Puntland, halkaasi oo si diiran loogu soo dhoweeyey isaga iyo weftigiisa.

Madaxweynaha iyo weftiga balaadhan ee uu hogaaminayo ayaa waxaa garoonka diyaarada Kanooko ee magaalada Garoowe kusoo dhoweeyey Madaxweyne kuxigeenka Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey, gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland mudane Axmed Cali Xaashi iyo kuxigeenadiisa, Maamulka degmada Garoowe, Masuuliyiin ka tirsan goloyaasha Puntland, saraakiisha ciidamada Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo qaar kamida bulshada caasimada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.