Madaxweyne Soomaliya ayaa kulan aan caadi ahayn la yeeshay Amiirka dalka Qatar “Sawiro”

Magaalada Doxa ee Dalka Qadar ayaa waxaa Kulan aan Caadi ahayn Ku dhex maray Madaxwynaha Soomaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo amiirka Dalka Qadar Sheekh Tamim Bin Xamad Al Thani..

Madaxweyne farmaajo iyo amiirka Qatar ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal, iyadoo amiirka Qadar uu u ballan-qaaday madaxweyne Farmaajo in ay ka qeyb qaadanayaan dib u dhiska dalkeenna Soomaaliya iyo horumarintiisaba.

Ugu Dambayntii Amiirka Dalka Qatar Sheekh Tamim Bin Xamad Al Thani, ayaa ballan qaaday inay Dowladdiisu Soomaaliya ka caawin doonto dhinacyada dhaqaalaha, dib u dhiska iyo howlaha horumarinta Waddanka.
far

farjo

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.