Wax Ka ogow Musuqa Laanta Socdaalka Iyo Jinsiyadaha Jubbaland oo Xad dhaaf Noqday

mic

Maalmihii udanbeeyay Waxaa Jiray Cabashooyin kala Duwan oo Loo Soo Jeedinayay Agaasimaha Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha Jubaland
Abdisalaan Hasan Husen (Malaw) Taas oo Ku saabsan in Dhaqaalaha Kasoo Xarooda Haayadaas uu Ku Dhoco Akoon gaara oo Asagu Leeyahay Isla markaana ayna Lacagaha Halkaas Kasoo Xarooda Cid Ku Maamusha Ama Laxisaabtana, Oo ah Dawlada Dhexe ,AmaJubaland,

Mudada uu Xilka hayo agaasimaha Laanta Socdaalka Jubaland ayaa ah Sida Aan Ila Xogagaala Kahelay Mudo Ilaa 6 billood Waxaana Magaalada Kismaayo Ka dhistay Ilaa 4 gurri oo filooyin Lana Sheegay In Guri kaste ay Ku Baxayso Lacag Dhan $ 80,000 Kun Oo Doolar,
Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dawlada fadaraalka somalia Oo Bixisa Mushaaraadka Shaqaalaha Magareeshinada Jubaland ayaan Ayadana habayaraatee Dhaqaalahaas iyo Sida Loo Maamulo Wax Wara Kahayn.

Hadaba Waxaa Nasiib Dara ah In Dhaqaalaha Kasoo Baxa Guud Ahaan Magareeshinka Jubaland Oo ah Dhaqaala Xoogan Marka Lafiiriyo Goobaha Muhiimka ah Ee Uu Kasoo Xaroodo Sida, Garoonka Diyaaradaha Kismaayo Dakada, Viisaha Dadka Ajnabiga ah Lacagta kasoo Xaroota Oo Lasheego in 6 Biloodba Laga Qaado Lacag Dhan 150 Kun Oo Doolar, iyo Waliba Gooba Kale Oo Muhiima Sida Magaalooyinka Xuduuda Kuyaala oo kala ah Kaanbooni Dhooblay, Baladxaawo, Iyo Doolow Ayna Kawarqabin Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha Somalia Iyo Guud Ahaanba Goobaha ay Khusayso heer fadaraal Iyo Mid Dawlad Gobaleedba.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.