XOG :Yaa ka dambeeya Khilaafka Ka dhex-taagan Saraakiisha Nabad sugidda Jubbaland.

Labadii Maalmood ee udanbaysay Waxaa Magaalada kismaayo kataagnaa Carqalad u Dhaxaysa Taliyaha Nabadsugida Jubaland Khaalid Abdullahi Iyo Kuxigeenkiisa
Axmed Abdullahi Ciise( Gaas ).

Khilaafka ayaa lasheegay in uu ka kacay kadib xilkaqaadis uu kusameeyay Khaalid Laba Sargaal oo Katirsan Nabad Sugida Laguna magacaabo Sanjeex Iyo Isaaq Dakaday .

Sida ay Gedo Times u xaqiijiyeen Ilo wareedyo ku sugan.Kimsaayo Taliye Khaalid ayaa ku Eedeeyay masuuliyiintaas in ay xulufo gaara layihiin kuxigeenka Nabadsugida Jubaland Mudane Gaas.

xilkaqaadistaas uu sameeyey Taliye KhaalidWaxaa Kasoo horjeestay dhamaan Saraakiisha kala duwan ee Ciidamada Jubaland Iyo taliya kuxigeenka Nabadsugida Jubaland ayagoo Cadeeyay in ay kaalin laxaadle kaqaateen sugida amaanka kismaayo, muhiimad ay ku fadhido xilkaqaadistoodane aysan muuqan waqti xaadirkan.

Arintan dhalisay Buuq Badan waxayna Gaartay Madaxwaynaha Jubaland Axmed Madoobe, waxaana ilo wargal ah oo kulan uu madaxweynaha.Laqaatay Taliye Khaalid ay,inoo xaqiijiyeen in uu kala duldhacay canaan, isagoo ku eedeeyey talaabada uu ku dhaqaaqay in ay abuuri karto amni darro uuna cawaaqib xumada arintaas ka Kadib Masuuliyadda dhabarka u ridan doono.

Axmed Madoobe.ayaa.dhinaca kale Khaalid u sheegay in aysan,jirin cid.uu xilkaqaadi karo balse uu leeyahay ookaliya soojeedin.

Dhanka Kale Khaalid ayaa waxaa si toosa oga Soo Horjeeda dhamaan Saraakiisha Kala duwan ee Ciidamada jubaland oo ku eedeeyey in uu ku kaco had iyo jeer ficilo kala dil iyo uur ku hays ku reeba ciidamada iyo hogaankooda, iyagoo madaxweynaha u sheegay in khaalid uusan ahaa karin taliye.ciidan bacdamaa uu ku sifoobay qof habayaraatee aan samaan katalis.aheyn.

Warar hoose ayaa Sheegaya in Khaalid uu xilkan iska casili doono, hadii xaalku sidaan kusii socdo, madaama ay dhaqan gali weyday wareegto uu soosaaray oo uu ku sheegay in uu xilkii kaga qaaday saraakiil ciidan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.