XOG: Maxaad kala.socotaa dhibaatada dhaqaale lunsasho ee kajirta xafiiska Laanta Socdaalka ee Kismaayo.

kis

Jubaland Waxay Kamid Tahay Maamul Gobaleedyada Laga Hirgaliyay Laanta Socdaalka Iyo Jinsiyadaha Goobaha Jubaland ee ayaguna uu Sida Tooska ah uu Oga Shaqeeyo Waxaa Kamida Magaalooyinka Kismaayo, Dhooblay, Baladxaawo, Iyo Doolow, Tira ahaan Shaqaalaha Guud ahaaneed waxaa ilaa 48 Shaqaala ah oo Kahawlgala Dhamaan Goobaha Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha Jubaland
Kasakow In ay laantan Tahay Mid Kamida laanta Socdaalka Heer Fadaraalka Hadana Waa Mid Hoos tagta Dawlada Jubaland Dhaqaalaha kasoo Xarooda Ilaha Magareeshinada Jubaland Waxaa Uu Isugu Jiraa Qaabla usoo Xaroodo Maalinle Isbuucle Bile iyo Sanadle.

Tusaale ahaan Garoonka Diyaaradaha Kismaayo Qaybta Magareeshinka Waxaa Kasoo Xaroota Isbuucii Lacag Dhan 2kun Oo Doolar Waxaa Lamida Ayadana Dakada Oo ayadana Isbuucii ay kasoo xarooto mid tan lamida Waxaa kale oo lamida magaalooyinka xuduuda Kuyaala ee laga Soo Galo Jubaland.

Marka Laga Tago Kuwaas Waxaa Jira Lacagta Sanadlaha ah Ee visaha Ee Laga Qaado dadka Ajaanibta ah oo La Iisheegay in Mararka Qaar ay Gaarto lacag Dhan Boqol Kun Oo Doolar Shaqaalaha Ka Shaqeeya Dhamaantood Waxaa Mushaarkooda Bixisa Dawlada Dhexe, Hadaba Su ‘Aasha ayaa ah Xagay Ku Dhacdaa lacagtaas Waxaa Xaqiiqa ah in Wasaarada Maaliyada Ee Dawlada Jubaland aysan lacagtaas qaadin.

Waxaan kaloo Lasoconaa Wasaarada Maaliyada Jubaland in ay Ladagaalamaysay Musuqa, Siday Sheegtay ayna waayadii udanbaysay ku Talaabsatay horumar Sidoo Kale Wasaarada Maaliyada heer Fadaraal amase Laanta Socdaalka Heer Fadaraal ayaan Ayana dhaqaalabaas Waxba Kala socon, Sida Aan Xaqiijinay
Yaa Og:amase Halkee Maraa Dhaqaalaha Intaas La’eg Hadii Heer Fadaraal, iyo Heer Dawlad Bobaleedba Ayna War Kahayn,

UGUDANBAYN BAAQ:
Dawlada Jubaland Waxaa ay Kamidtahay Meelaha Ugu Badan Ee laxisaabtanka Iyo dhawrida Hantida Dawlada Waayadii udanbeeyay Laga Hirgaliyay, Hadaba
Waxaan Ugu Baaqi Lahaa Wasaarada Maaliyada Jubaland Iyo Guud ahaan Goobaha ay Khusayso heer fadaraal Iyo Mid Dawlad Gobaleedba in ilgaara ay Ku fiiriyaan
Habka Khaldan Ee Loo Maamulo hantidaas, Anagoo Og Duruufaha Kala Duwan Ee Dawlada Jubaland Ay isku dayayso In ay Xal Uraadiso Hadana in Dhaqaale Intaas Dhan Qaab Khaldan Loo Maamulo Waa Nasiib Daro Waan Rajaynayaa In Jubaland udhug Lahaan Doonto Arintan, Mahasanidiin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.