Amarkii Dowlada Soomaliya ee Amaanka Muqdisho oo lagu Fuliyey Saraakiil Hub Magalada Ladhex wareegayey

ciidan

Waraka Ka imaanaya Caasumada Soomaliya ee Muqdisho ayaa Sheegaya in Ciidamada sugaya amaanka Muqdisho ayaa maanta howlgal ka fuliyeen wadooyinka Muqdisho ayaa waxaa ay maanta Hubka waaweyn oo ay ka midyihiin Qoryaha loo yaqaan Dhashiikaha kala wareegay Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda oo magaalada la dhexmarayey.

Ciidanka gaarka ah ee loo saaray Amniga Muqdisho xaqiijintiisa ayaa fulinaya amarkii ka soo baxay Golaha wasiirrada ee lagu mamnuucay in Mas’uuliyiinta iyo Saraakiisha Dowladda ay Qori ka weyn AK47 ku dhex qaataan magaalada Muqdisho.
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay in Ciidamada gaarka ah oo howlgalkaas fulinayay ay maanta Hubka kala wareegeen Taliyayaal iyO Saraakiil ka mid ah Dowladda Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.