Madaxda Waxbarashada Degmada Caabudwaaq oo Kor Meeray Iskuulada waxbarshada “Sawiro”

Madaxa Waxbarashada Degmada Caabudwaaq ee Gobalka Galgaduud ayaa kormeer ku tagay Schoolada waxbarasho ee Degmada Caabudwaaq oo ay ka bilowdeen Imtixaanaadka lagu xirayo Schoolada Sanad Dugsiyeedka.

Kormeerkaan uu Gudoonka waxbarashada Xasan Axmed Diiriye uu ugu kuur galayay Imtixaanaadka Ka bilowdey Dugsiyada Waxbarasho ee waa wayn ee Magalada Caabudwaaq iyo kuwo ku yaala Kaamamka Barakacyaasha ayaa waxaa ku wehelinayay Kormeerayaal ka socdey Wasaarada Waxbarashada.

Qaar kamid ah Maamulada Schoolada uu booqdey Gudoonka Waxbarashada ayaa uga mahad-ceshey Gudoonka Kormeerka uu ugu kuurgalayay sida uu kubilowdey Imtixaanaadka Iyagoona qaarkood ay kawarbixiyeen Hormarada iyo sidoo kale baahiyaha adeega Waxbarashada ee Haysata.

Madaxa Waxbarashada ee Degmada Caabudwaaq Xasan Axmed Diiriye ayaa Ardeyda Urajeeyay in ay Natiijo fiican ka keenaan Imtixaanka ,isagoona Schoolada qaba Baahiyaha Adeega waxbarasho u sheegay in arintooda uu kala hadli doono Wasaarada Waxbarashada ee Galmudug.

Sikastataba Ha ahaatee Schoolada Waxbarasho ee degmada Caabudwaaq ayaa ay ka bilowdeen Imtixaanaadka Sanad dugsiyeedka 2016-2017 iyadoona 20 Bishaan May lagu wado In imtixaanka Ardeyda Fasalka Afaraad ee Form Four ee degmada Caabudwaaq lagu qaado Halgoob kaasi oo ay qaadi doonto Wasaarada Waxbarashada ee Soomaaliya.

Wariye Ayaanle Cabdulaahi Jaamac

Caabudwaaq Soomaaliya

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.