Baaq iyo talo soo jeedin ku socota Madaxweynaha Galmudug, Ahmed Ducaale Geele (Xaaf)

xafsade

Mudane Madaxweyne, waxaan halkaan kuugu soo gudbineynaa salaan qaali ah adiga iyo waftiga kula jira iyo guud ahaan Jaaliyada reer Galmudug, meelkasta oo la joogo, Mudane Madaxweyne waxaan ilaahay kaaga rajeyneynaa in ilaahay kuu fududeeyo xilka culus ee la guu-doorty iyo xalada adage ee ku sugeysa, runtii waa Ma’suuliyada ay hawlo badan ku horyaalan, Mudane Madaxweyne waxaan ku leenahay ama markale ku xasuusineynaa, in xal deg deg ah, loo raadiyo Maamulada is diidan ee ka jira Gobolada dhexe,sida Team-ka Dhusamareeb fadhiya & Team-ka Cadaado,ee adiga ku soo doortay, sidoo kale Team-ka kale ee Caabudwaaq jooga.

Hadaba Talo soo jeedin kooban: anagoo ah guud ahaan Jaaliyadihii reer Galmudug,waxaan halkaan kuugu soo gudbineynaa talooyinkan, Mudane Madaxweyne runtii waxaan waxbadan rajo ka qab-naa inaad waxbadan wax-ka badali doontid jawiga hada ka jira Gobolada dhexe, kana dhaadhicin doontid bulsho-weynta reer Galmudug in xal deg deg ah la’wada raadiyo, si loo soo afmeero kala qaybsanaanta mudada dheer ka jirtey gobolada dhexe, runtii waa arin wal-walkeeda leh, waana nasiib-daro wayn in shacabka gobolada dhexe ay ku sugnaadaan xaalada ay hada ku suganyihiin, sida nabadgalyo la’aanta, caafimaad la’aanta, waxbarasho la’aanta, shaqo la’aanta, runtii waa arin xal deg deg ah, u baa’han.

Markaan sidaas leenahay xogbadan baan ka haynaa, gobolka waxaana la’leenahay xiriir joogto ah, every day basis adigana waxaan kugu tuhunsanahay in aad ka midtahay ama xiriir dhow la’leedahay team-kasta,guud ahaan dadka da’gaanka gobolada dhexe, waxaad-na ka mid tahay dadka yar ee fara ku tiriska ah ee ay arintaani sida gaar-ka ah u quseyso,waayo waa meeshii aad asal ahaan ka timed qaraabadiina wali ku sugantahay ama aad go’aan satey in aad dadkeeda Madaxweyne u noqotid, taas-baana keentey inaan Message-kaan ku soo mariyo, dhowr arimood awgood, 1) aqoontii qof-nimo iyo duntaada qof-nimo oo aan wanaag kugu baraney- 2) in aad ahayd nin ay kuweyntey in laga shaqeeyo ama la hormariyo guud ahaan arimaha adeegyada bulshada, sida Nabadgalyada, caafimaadka, wax-barashada, hormarinta ganacsiga, hormarinta arimaha garsoor-ka, Equal opportunities policy.

Marka Mudane Madaxweyne waxaan kaa rajeyneynaa in aad message-kaan nala xambaaridoontid si ay u gaarto cidkasta oo arima-haan gacan ka geysan karta adiguna aad saldhig bud-dhige u noqotid si loo soo afjaro kala qaybsanaanta iyo xiisadaha waan waanteedu wali socoto,waxaana kaa fileynaa in aad juhdi-badan galindoontid. hadii kale gobolada dhexe waxay ka mid-noqon doonaan meelah dowlada dhexe laga dumin-doono.marka fadlan arintaas xal u raadin teeda waa in wax-badan iskaashi laga sameeyo, si joogto ahna talo wadaag iyo xog-wadaagba looga wada ahado.wabillaahi towfiiq. guuleysta dhanwalba ilaahayna hana waafa-jiyo Abshirta Aamiin.
Abdirizak M Tahlil, Email: tahlilabdirizak@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.