Sarkaal Ka Tirsan Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sidda Ee Soomaaliya ayaa xabsiga dhigtay sarkaal lagu magacaabo Cabdishakuur Mursal Maxamad oo ka tirsanaa ciidanka ilaalada madaxtooyada Soomaaliya, kaas oo loo haysto in Taariikhdu markay ahayd 24/04/2017 uu gaari nooca ciidamadu leeyihiin oo uu darawal ka ahaa ku jiiray Al-baabka hore ee laga galo Madaxtooyada Soomaaliya marxuum Tahliil Jimcaale Hubane.

dhacadadaas oo sidoo kale sababtay dhaawaca qof kale oo dumar ah taas oo hadda daryeelkeeda ay gacanta ku heyso dowladda Soomaaliya.

Gudoonka Maxkamadda Ciidanka Gaashanle Sare Xasan Cali Shuute ayaa sheegay in ay soo gaartay garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida cabashada ehelada marxuum Tahliil Jimcaale Hubane, sidaasna baaris lagu bilaabay ugu dambayna loo xiray dhacdadaas Sarkaalka lagu soo eedeeyay oo ahaa Darawalka Gaariga dhibka gaystay.

Madaxtooyada Soomaaliya oo hore uga hadashay dhacdadaasi ayaa sheegtay in ay aad uga xuntahay baarisna lagu sameynayo sida shilkaasi ku dhacay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.