Go’aanno Bulshada Soomaliyeed soo dhaweysey oo kasoo baxay Shirkii Wasiirrada

Shirkii Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa maanta looga hadlay amarro cusub oo ay dowladda Soomaaliya ku soo rogtay dhanka amniga si wax looga qabto amni darrada ka jirat dalka go’aamada ayaa ahaa kuwo amaanka Muqdisho wax looga qabanayo bulshada Soomaliyeedna soo dhaweysey.
Hoos ka aqriso Go’aamada Wasiirada Soomaliya.
1.In la sameeyo ciidanka howlgalka xasilinta Caasimadda, oo isugu jira Boliis, XDS & Nabadsugid, kuwaas oo leh hal Talis oo leh hoggaan mideysan.

2. Caasimadda Waxaa laga mamnucay ciidamada hubaysan iyo gaadiidka dagaalka ee aan ku jirin:-

a. Howlgallada lagu xasilinayo Caasimadda,
b. Aan wadanin warqad fasax dhaq-dhaqaaq ah
Ciddii ku xadgudubta awaamiirtan, waxay mutaysan doonaan in Sharciga lala tiigsado.
3. Ciidamada XDS ee ka qayb qaadanaya Howlgalka Xasilinta Caasimadda, waa inay ka midyihiin HORIN “Polizia-Militariya”.
4. Caasimada waxaa laga mamnuucay wadashada dharka ciidanka XDS iyadoon loo heysan sharciyad iyo aqoonsi.
5. Laga bilaabo 11/May/2017 waxaa mas’uuliyiinta Dowladda ee haysta Hubka, Gaadiidka & Ciidanka XDS, laga doonayaa inay ku celiyaan Taliska Ciidanka XDS muddo 10 casho gudohood.

6. Waxaa laga mamnuucay dhammaan qof kasta oo ay ku jiraan Mas’uuliyiinta Dowladda in Magaalada Muqdisho ay ku dhex wataan ilaalo ka badan 4 askari gaari kasto iyo ugu badnaan 2 gaari, Mana qaadan karaan qori ka wayn AK47.

7. Iyadoo la fulinaayo jiheynta & Tilmaamaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxay Guddiga Amniga Qaranka go’aamiyeen in Degmada Afgooye ay ka mid noqoto Howlgalka xasilinta Caasimadda.

8. Waxaa Taliska Ciidanka Boliiska laga doonayaa in muddo 60 casho ku eg ay ku soo dhisaan ciidamo gaar ah oo ilaaliya madaxda Qaranka iyo goobaha Muhiimka ah ee Dowladda.

9. Shirkadaha Amniga ee gaarka loo leeyahay waxaa la farayaa in xarunta Howlgallada wadajirka ah ay si joogto ah u ogaysiiyaan dhaq-dhaqaaqa Ciidanka iyo Hubka ay maamulaan.

10. Ilaalada Goobaha Ganacsiga sida Hoteelada, Carwooyinka, Isbitaalada, Jaamacadaha iwm, waxay mas’uul ka ahaan doonaan amni darrada ka dhaca goobaha ay ilaaliyaan iyo agagaarkeeda, oo ayagoo wax ka qaban kara, ka baaqsada inay ka hortagaan, ama u soo gudbiyaan Ciidamada Amniga.

11. Wasaaradaha Amniga, Gaashaandhiga iyo Taliyeyaasha Ciidamada waa inay sida ugu dhaqsiyaha badan u dhaqan geliyaan xarunta Hoggaaminta Howlgalka Xasilinta Caasimadda oo loo gartay JOCC, taasoo noqonaysa Taliska Howlgalkan.

12. Howlgalka xasilinta Caasimadda wuxuu u bilaaban doonaa si deg-deg ah, inta ka horaysana Ciidan waliba kaalinta howlgalka kaga soo aadday ciidan & qalab waa inuu ku wareejiyaa Taliyaha Howlgalka.
13. Maamulka Gobolka Banaadar ayaa ka howlgalaya Abaabulka & Baraarujinta dadweynaha iyagoo kaashanaya Wasaarada Warfaafinta, bulshada qaybaheeda kala duwan, iyo Hay’adaha amniga.

14. Wasarada Warfaafinta ee Dowladda Federaalka wuxuu mas’uul ka ahaan doonaa:-
a. Doorka warbaahinta ee la xiriira Howlgalka Xasilinta Caasimadda iyo sidii saxaafada loola wadaagi lahaa macluumaadka howlgalada amniga lagu sugayo.
b. Doorka Wacyigelinta bulshada oo ka baxaya Warbaahinada Dowladda iyo kuwa madax-banaan.
Dhammaan go’aanadan kor ku xusan waxaa la waafajinayaa Dastuurka, Shareecada Islaamka iyo shuruucda dalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.