dhageyso:Maamulka Hirshabeele oo Hungari ka Galay Shirka London

Maamulka Hirshabeele oo horey udhaliilay shirka London ayaa hada ka noqday mowqifkoodii hore sida uu sheegay Wasiirka warfaafinta dhaqanka dowlad goboleedka Hirshabeele Mahad Xasan Cismaan ayaa sheegay in war been abuur ah uu ka faafiyay taleefishinka Universal kaasoo ahaa in Madaxweynaha Hirshabeelle uu qaadacay ka qeybgalka shirka London ka dhacaya 11-ka bishaan May ee 2017ka kaasi oo loogu hadlaayo arrimaha Soomaliya.

Sidoo kale Wasiirka warfaafinta Hirshabeele Mahad Xasan Cismaan ayaa sheegay in wakiilka Tv-ga ee Magaalada Jowhar weriye Ismaaciil Cabdulle Sabriye loogu digay in uu joojiyo wararka been abuurka ee uu baahiyo balse uu ka dhaga adeegay wariyaha sidaasna lagu xirey Tv-ga iyo wariyaha.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.