Dowlada Soomaliya ayaa talaabo adag qaaday oo Hanti Dhowrikii Guud Dr-Nuur Faarax Jimcaale Oo Caawa Xilii laga Qaaday

hanti

Hanti Dhowrihii Qaranka Soomaaliya Dr-Nuur Faarax Jimcaale ayaa caawa Xilkii laga Qaaday ka dib Kulan ay yeesheen Golaha Wasiirada Soomaaliya oo uu Shir-gudoominayey Ra’iisulwasaare Xasan Cali Kheyre, Sababta Xilka laga Qaaday Hanti Dhowrihii qaranka ayaa ah Dilkii ilaaladiisu ay u geysteen allaha unaxariistee Wasiirkii Howlaha Guud iyo dib u dhiska Cabaas Cabdulaahi Shekh Siraaji oo Xalay lagu Toogtay Magaalada Muqdisho.

Golaha Wasiirada Xukumada ayaa isku Raacay in Xilka laga Qaado Dr-Nuur oo mudo ahaa Hanti Dhowraha Qaranka sida uu Xaqiijiyey Wasiirka War-faafinta Soomaaliya Mudane C/raxmaan Yariisoow oo kulanka Wasiirada ka dib Xasaafada la hadlay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.