Madaxwaynaha Hiir Shabeele Oo Sheegay In Cunaqabateen Lagu Hayo Maamulkiisa

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada muqdisho ayaa eedeyn kulul usoo jeediyay Dowladda Soomaaliya oo joojisay diyaaradihii qaadka waday ee maalmihii lasoo dhaafay ka degay garoonka Magaalada Jowhar ee xarunta Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa sheegay markii uu maqlay amarka diyaaradaha qaadka lagaga joojiyay Jowhar in uu wacay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre misana uu wax ka weydiiyay amarkani, Ra’isul wasaaruhuna uu sheegay in uu wax ka ogeyn marka xafiisyo hoose oo Dowladda ah ayaa arrintaa ka dambeeya baaritaan ayaana socda xafiiska ay ku cadaatana ayuu madaxweynuhu carabka ku adkeeyay in ay la xisaabtami doonaan oo waxa uu Dastuurka uu qabo ay ku kala bixi doonaan.

“Waxaan Sharci eheyn Cidna nagulama dhaqmi karto, Waan ogahay shaqsiyaad daneynaya oo dhahaya ma dhaceyso oo suuqyada ku hayo Ceelmacaan in la furaa ma dhaceyso Garoonka Jowhar iyo cisaley in Badeeco ka soo dagtaa ma dhici karto,Laakiin xaqiiqda waxay tahay dalku Dastuur ayuu leeyahay dastuurka ayayna tahay in lagu dhaqmaa” ayuu yiri Madaxweyne Cosoble.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.