Daawo:Ashabab oo digniin usoo diray ardayda Soomaliyeed

shabab

Afhayeenka Guud ee Xarakada Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa ku eedeeyay Jaamacadaha iyo Iskuulada kala duwan ee dalka Soomaaliya ku yaala in badankood ay faafinayaan dhaqamada reer Galbeedka.

Cali Dheer ayaa sheegay in Hay’adaha gaalada ay doonayaan in maskaxda kala dagaalamaan ubadka soo korya, waxa uuna tilmaamay in hada ay wadaan dagaal dhinaca tacliinta ah si ay jiilka soo koraya u dhaqan rogaan.

Afhayeenka Al Shabaab ayaa ugu baaqay Waalidiinta Soomaaliyeed in ay ka digtoonaadaan Iskuulada iyo Jaamacadaha ay caruurtooda geesanayaan, waxa uuna kula taliyay in caruurta ay geeyaan Iskuulada Islaamiga ah ay joogaan macalimiinta wanaagsan ee sida fiican u tar biyeenaya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.