Wax Ka ogow waxa uu qabanayo xafiis cusub oo lagu maareynayo arrimaha gargaarka

mahdi

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo ay wehliso Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Xukuumadda Soomaaliya Drs Maryan Qaasim Axmed ayaa maanta si wada jir ah u daah furtay xarunta Qaranka iskudabaridka Arrimaha gargaarka, kaasi oo ujeedkiisuyahay nidaamka lagu hagaajinayo xiriirka iyo isu-duwida hay’adaha gargaarka iyo dowladda, Kulanka waxaa sidoo kale ka qeybgalay Wasiirada Warfaafinta, Caafimaadka, Xildhibaanno, safiiro iyo mas’uuliyiin ka socday hay’adaha samafalka.
Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Xukuumadda Soomaaliya Drs Maryan Qaasim Axmed sheegtay in xafiiskan uu yahay mid lagu maareynayo deeqaha loogu talagalay shacabka Soomaaliyeed, si aysan u dhicin is bar baryaac.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.