Wasiirka Warfaafinta Yariisow oo shaqaalaha u sheegay Inaan Warfaafinta sidaan habacsananta ah aysan ku jiri karin “Sawiro”

wasiir

Wasaaradda Warfaafinta Soomaliya Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa maanta kulan la xiriiray habsami u socodsiinta howlaha warfaafinta la qaatay shaqaalaha iyo madaxda waaxyaha ee Wasaaradda, wuxuuna sheegay inuu ku faraxsan yahay in Madaxdii Wasaaradda iyo shaqaalaha ay yeeshaan kulan wadatashi ah si loo dar-dargaliyo shaqada Wasaaradda ay u heyso Umadda Soomaalieed.

Wasiir Yariisow ayaa Usheegay shaqalaha Wasaarada in kaalintii ay kafilaayeen shacabka soomaliyeed ay gabtay Warbaahinta Qaranka taasina waxay keentay in Shacabka Soomaliyeed markii ay wararkii ay ubaahnaayeen kawaayeen Websitka Wasarada sida Radiomuqdisho.com iyo Sonna.so ay warka kadoonteen Warbaahin dad lee yahay oo warkoodana lagu kalsoonaan karin, wixii hada ka dambeeyana loo baahan yahay in warfafinta qaranka noqoto meeshii warka laga soo doonanaayey wararkeduna noqdo mid baahi tira Bulshada soomaliyeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.