Ra’isalwasaare Kheyre & Madaxda dowlad Goboleedyada oo kashiraya arimaha abaaraha

Ra’isalwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa waxaa uu shir guddoominayaa kulan u dhaxeeya isaga iyo Hogaamiyayaasha dowlad goboleedyada Soomaaliya kaas oo ka furmay Muqdisho.

Madaxweynayaasha maamul Goboleedyada ayaa waxaa ay maalmahan ku suganyihiin Muqdisho waxaa jiray shir u dhaxeeyay iyaga iyo dowladda Federaalka ah kaas oo la doonayo in maanta gelinka dmabe laga soo saaro war-murtiyeed la xiriira shirkaas.

Shirkan sidoo kale waxaa ka qeyb galaya xubnaha guddiga gurmadka abaaraha ee heer qaran kuwaas oo uu u yeeray ra’islawasaare Kheyre.

Kulankii u dhaxeeyay Madaxda dowladda Federaalka ah iyo kuwa dowlad Goboleedyada ayaa looga hadlayay abaaraha,amniga,siyaasadda dowladda cusub iyo shirka Bisha soo socota ka dhacaya Magaalada London ee looga hadlayo arrimaha Soomaaliya.
khayre

khayre

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.