Dacwad Ka Dhan Ah Madaxweynaha Jubaland Ayaa Lageeyay Maxkamad Ku Taallo UK & Bananbax Lagu Baaqay

madoobe

Madaxwaynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islam Axmed Madooba Ayaa Dacwo Laga Geeyay Maxkamad Ku Taaala Londan ee Wadanka Ingiriiska Waxaana Loo Haystaa Xasuuq Uu Ka Geystay Magaalada Kismaayo.

Dacwadaan Madaxweynaha Jubaland Loo Haysto Ayaa waxay salka ku haysaa Dad wariyaal Talyaani ah oo Lagu Diley Kismaayo Waxuuna Falkaas Dhacey Xiliguu Axmed Islaam Ahaa Ururka Xisbull Islaam, Waxaa Sidoo Kale Dacwadaas Daba Socota Laba Nin Oo Soomali ah oo dhalshada UK haysata Laguna Diley Degmada Goobween Xile Beerahooda Kasoo Galbadeen.

Dacwadan loo gudbiyey Maxkamada ayaa Waxay ka Danbeysay Kadib Markii Dad U Dhashay Jubbaland ay Maxkamada Horgeeyaan Sawiro Meydad Dad Rayid Ah Oo Xeebaha Kismaayo Lagu dilay Sanadihii 2013 iyo
2015 Waxaana Falkaasi Lagu Eeday in ay Fuliyeen Ciidmado Daacad U ah Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe.

Dadkan Maxkamada Dacwada Geeyay Ayaa Waxey Ugu Baqeen Dadka Somalida ah ee dagan Magaalada Londan iney isku Diyaariyaan Banaanbax Dowlada UK Looga Codsanayo iney Soo Xiraan Axmed Madooba Si Dacwadiisa ay u Qaado Maxkamada Danbiyadaan axmed Madoobe lagu soo ogooy haysa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.