Danjiraha Uk uqabilsan Soomaliya oo Maamul Goboleedyada Usheegay inay dhamaaday xiligii is garabyaaca”Sawiro”

Danjiraha Dowlada ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Divid Concar oo kula kulmay Madaxda maamul goboleedyada Safarada dowlada Ingriiska ay ku leedahay Magaalada Muqdisho aya waxaay kawada hadleen Xaalada abaaraha ee Soomaaliya iyo sidii Dowladda Ingiriisku ay gacan uga gaysan lahayd gurmadka, sidoo kale waxaa diiradda lagu saaray Arrimaha ammaanka, Shirka Kadhacaya London bisha soo socota ee May iyo sidii loola dagaalami lahaa kooxaha Argagixisada ah ee Alshabaab.

Danjiraha Dowlada ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Divid Concar ayaa usheegay Maamul Goboleedyada in Soomaliya ay kajirto Dowlad shacabka Kalsooni ka haysta dowlada Ingiriiskana ay taageersan tahay loona baahan yahay in laga dambeeyo lana tageero Dowladda cusub ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Hadalkaan Kasoo yeeray safiirka Ingiriska ufadhiya Soomaliya ayaa ahaa hadal aysan jeclaysan maamul goboleedyada oo looga bartay inaysan tix galin dowlada Federalka ah ee Soomaliya oo ay garab yaacaan.
madobe

madoobe

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.