horjoogayaal alshabab ah oo booliska soomaliyeed gacanta kudhigeen

shabab

Taliyaha Saldhiga booliska Degmada Qoryooleey Labo Xidigle Cali Maxamed Aadan ayaa faah faahin ka bixiyay howlgalka ay ka sameeyeen degmada Qoryooleey iyo Tuulooyinka Hoosyimaada oo ay gacanta ku dhigeen horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab.

Taliyaha ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen afar ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaasi oo u sheegay in labo ka mid ah ay ahayeen horjoogayaal oo ay ka soo qabteen meel 6 km u jirta degmada Qoryooleey.

Taliyaha ayaa uga mahadceliyay shacabka degmada oo uu ku tilmaamay inay gacan ku siiyeen sidii loo soo qaban lahaa horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka ka tirsan Al-Shabaab

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.