Taliyaha cusub ee Asluubta oo maanta xilka la wareegay

Munaasabad lagu qabtay Xabsiga dhexe ee Xamar ayuu maanta xilka kula wareegay Taliyaha cusub ee Ciidanka Asluubta Somaaliyeed S/Gaaz Xuseen Xasan Cismaan, isagoo xilka kala wareegay Taliyihii hore S/Guud Bashiir Maxamed Jaamaca waxaana Xafladda xilwareejinta goobjoog ka ahaa R/Wasaare ku xigeenka Dowladda Federalka ah, Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, Wasiirka Caddaaladda, xildhibaanno ka tirsan Baaralamanka Federaalka ah iyo saraakiil ka tirsan Ciidanka Asluubta.

Taliyihii hore Ciidanka Asluubta S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa sheegay in muddadii uu xilka hayay uu ku guuleystay arrimo ay ka mid yihiin dib u dhiska Xabsiga dhexe, kor u qaadista xuquuqda maxaabiista isagoo ka codsaday saraakiisha iyo ciidanka Asluubta in ay la shaqeeyaan Taliyaha cusub.

S/Gaaz Xuseen Xasan Cismaan Taliyaha cusub ee Ciidanka Asluubta ayaa ballan qaaday inuu dhameystiri diino mashaariicda lagu horumanayo Ciidanka Asluubta ee uu soo bilaabay Taliyihii hore.
aslub

aslub

aslub

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.