Madaxwaynaha Soomliya oo kadhabeeyey hadalkiisii Madaxdii shaqooda kasoo bixi waayda Waa baxayaan

madax

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo maanta ka qeyb galay Kulanka Golaha Wasiirada ayaa Magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Taliyayaasha Ciidamada Qalabka sida Waxaana Guddoomiyaha Gobolka Banaadir loo Magacaabay Taabit Cabdi halka Taliyaha Nabad Sugida Soomaaliyeed loo Magacaabay Cabdullaahi Maxamed Cali Sambaloolshe.

Madaxweynaha Soomaliya ayaa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed u Magacaabay Jen. C/xakiin Daahir Saciid Saacid Waxaa kaloo la magacaabay Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Jen, Axmed Maxamed Jimcaale Cirfiid, halka Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka loo magacaabay Jen, C/llaahi Cali Caanood.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.