Wax ka ogow:Sababta Keentay In Labo Diyaarad loo weeciyo Wajeer iyo Heshiiskii Kenya iyo soomaliya oo sidiisi ushaqeynaya

diya4a

War ka soo baxay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa looga hadlay Labo Diyaaradood oo Shalay ka duulay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho islamarkaana lagu leexiyay Garoonka Wajeer oo lagu baaray Rakaabkii la socday halkaas.

Hay’adda Socdaalka ayaa Xustay in Diyaaradaha Shalay lagu baaray Wajeer aysan ka diiwaan gashaneyn Duulimaadyada Tooska ah ee Soomaaliya iyo Kenya,taasna ay Sababtay in Wajeer lagu baaro.

“Heshiiskii Taariiqiga ahaa ee Soomaaliya iyo Kenya ee la Xariiray Duulimaadka wax dhaawac ah oo ku yimid ma leh oo wuu shaqeynayaa Diyaaradaha Shalay lagu baaray Wajeer waxaa ay ahaayeen kuwo aan iska diiwaan gelin Duulimaadyada Tooska ah ee Magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi,waxaan ka xunnahay Waqtiga Qaaligaa ee laga lumiyay Rakaabkii la socday Diyaaradaha, waxaan ugu baaqeynaa Shirkadaha Maamula Diyaaradaha in ay qaataan Warqadaha Lagama Maarmaanka u ah si aan Qalad kale u dhicin”ayaa lagu yiri Warka ka soo baxay Hay’adda Socdaalka Soomaaliya.

Waxaana Lafarayaa Diyaaradaha inay Bulshada aysan marin habaabin oo sida ay wax ujiraan u sheegaan, shacbkana iska hubiyaal diyaarada ay raacayaan inay Nairobi toos ah tahay iyo in kale

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.