Deeq ka timid Muslimiinta Kanada iyo Mareykanka oo Raashin loogu Qeybiyey Dadka ku soo Barakacay Baardheere(Sawiro)

Deeq lacageed oo ay iska soo uruuruiyeen dad muslimiin ah ah oo ku kala nool dalalka Kanada iyo Mareykanka ayaa maanta waxaa raashin gargaar ah loogu qeybiyey Boqolaal qoys oo ku soo barakacay Magaalada Baardheere,kuwaasi oo markoodii hore ka kala yimid deegaano ka kala tirsan Gobolka Gedo oo bilahii u dambeeyey ka cabanayey daruufo xaga nolosha ah.

Deeqdan Lacagadeed ee ka kala timid Dalalka Kanada iyo Mareykanka,gaar ahaan Gobolka Mishagan an arbal ayaa waxay la soo marsiiyey,sheikh farxaan Maxamed Sheekh doon oo ka mid ah Guddiga rmadka Abaaraha ayaa waxay gaareysay lacag dhan $1000 dolar,waxaana soo gaarsiiyey Gabdho muslimaad ah oo degan Dalka Mareykanka,halka Cabdi Cali Magan ay soo gaartey lacag ka timid dad Muslimiin ah oo degan Dalka Kanada oo dhan $4000,oo Dolar .

Deeq lacageed ayaa raashjinka lagu iibiyey ee la siiyey dadka Barakacayaasha ah ayaa waxuun isugu jirey Bariis iyo Saliid,Dadka la siiyey deeqdan ayaa ka koobnaa kuwa ku barakacay Abaaraha,kuna xoolo belay iyo kuwa kale oo waxsoosaarkii Beeraha ay ku tiirsanaayeen ay ragaadiyeen Abaaraha,,waxaana goobtii lagu qeybinayey raashinka goob joog ka ahaa Maamulka degmada,Culimada,udiinka degmada iyo Gudiga Gurmadka Abaaraha .
bardheer

bardhere

bardheere

bardhere

bardhere

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.