Muuqaal:Wasiirka Cusub Ee Maaliyada Somaliya Bayle Oo Xilkii Lagu Wareejiyay

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa saaka ka qeybgalay munaasabad uu xilka kula wareegayay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Maaliyadda mudane Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, kaasoo xilka kala wareegay Wasiirkii hore ee Wasaarada Mudane Maxamed Aadan Fargeeti.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa munaasabadan ka hadlay ayaa u mahadceliyay madaxdii hore ee Wasaaradda Maaliyadda, wuxuuna ammaanay dadaalkoodii iyo heeka ay soo gaarsiiyeen Wasaaradda Maaliyadda oo suurtageliyay in dhismaheedii ay dib ugu shaqo bilowdo burburkii kadib.

Sidoo kale, Ra’iisal Wasaaraha ayaa dardaaran adag u jeediyay Wasiirka cusub Dr. Beyle iyo kuxigeenadiisa, waxa uuna kula dardaarmay inay ka fogaadaan nooc kasta oo musuq maasuq la xiriira, isaga oo xusay in nidaam cusub oo isla xisaabtan uu bilowday, loona baahan yahay in laga dhabeeyo.

1 Comment

  1. CADDAALADU WAA IN LA SIMAA XUQUUQDA XILDHIBAANADA QARANKA.
    XILDHIBAANO QARAN-XASAANAD LEH OO DAWARSI KU DHOW
    Xildhibaano Qaran-Xasaanad leh oo ah xildhibaanadii hore xilligii Sheekh Shariif oo KMG Ka saareen Dowladdan hadda jirta,Baddana Difaaceen, Baahi & Dagaalna ku dhex Shaqeeyeen Naftooda hureen ilaa haddana weli target ah meelna aadi Karin,Amnigooda sugneyn,Hotelada laga eryey ayaa hadda qaarkood waxay ku dhow yihiin iney DAWARSADAAN ka dib markii Dowladdii jirtay & Baarlamaankeeda xilligii (Xasan Shiikh) Dayaceen noloshooda…Halkeey iyagu isku qoreen Mushaharo ay ku noolaadaan inteey nool yihiin shaqada ay hadda haayaan ka dib…. ILLAAH Cabsidiisa maa ka tegteen Dowladda hadda Madaxweyne Farmaajina iney wax saxaan ayaan ka rajeeyneenaa inshaa allaah.
    CADDAALADU WAA IN LA SIMAA XUQUUQDA XILDHIBAANADA QARANKA, Waa Xishoonayaanee fadlan degdeg wax ha loogu qabto.
    MAHADSANIDIIN.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.