Duulimaadkii Ugu Horeeyay Muqdisho Iyo Nairobi oo Toos ah ayaa Saakay Bilowday.

diya4a

Waxaa saakay si rasmi ah u dhaqan galay Heshiiskii ay kala saxiixdeen Dowladaha Soomaliya iyo Kenya kaasi oo ku adanaa in duulimaadyadda ka baxa Magaalada muqdisho in ay si toos ah u tagaan Garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyatta International Airport ee Magaalada Nairobi.

Saakay ayaa la xaqiijiyay in si toos ah ay Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho aadan Cadde ay diyaaradaha kaga baxayaan islamarkaana ay ka dagayaan Garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyatta International Airport, iyadoo aysan mareen garoonka diyaaradaha degmada wajeer.

Qodobada ay Madaxweynaha Somaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Uhuru Kenyata Kala saxiixdeen waxaa kamid ahaa
In labo toddobaad gudohood lagu soo afjaro diyaaradaha mari jirey Wajer oo ka yimaadda Soomaaliya, halkaas oo ay silic iyo saxariir badan kala kulmi jireen shacabka. waxii maanta ka dambeeya diyaaradaha ka yimaadda Muqdisho waxay toos ugu dagi donaan Nairobi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.