Madaxweyne Soomaliya Oo Lafilayo in Si heer sarre ah loogu soo dhaweeyo Madaxtooyada Kenya

farmajo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Ah Ee Soomaaliya Mudane Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa Waxaa Lafilaa in uu La kulmo Madaxwaynaha Dalka Kenya Ee Uhuru Kenyata waxaa lafilayaa in si heer sarre ah loogu soo dhaweeyo madaxtooyada Kenya.

Labada Madaxweyne ayaa ka hadli doona xiriirka labada dal, ammaanka, iskaashiga, ganacsiga iyo arrimaha qaxootiga, waxaana kulamadooda kaddib ay qaban doonaan shir jaraa’id.
Waxaa jiri doono heshiisyo labada dal ay kala saxiixan doonaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa 25-ka bishan ka qeyb geli doona shir madaxeedka IGAD ee looga hadlayo arrimaha Qaxootiga.
Booqashada Madaxweyne Farmaajo ayaa ah tii u horeysay oo uu ku tago mid ka mid ah dalalka dariska ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.