Madaxweyne Soomaliya Oo Maanta u Ambabaxaaya Dalka Kenya.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta ku sii jeeda magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasoo booqasho rasmi ah ku tagi doono.

Booqashadan ayaa ah tii u horeysay ee uu mid ka mid ah dalalka deriska ah ku tago, sidoo kale waa safarkii labaad oo uu dalka dibaddiisa ah, tan iyo markii xilka loo doortay bishii February ee sanadkan.
Madaxweyne Farmaajo ayaa kaga qeyb galaya magaalada Nairobi shir madaxeed gaar ah oo looga hadlayo arrimaha qaxootiga, kaasoo ay yeelan doonaan Madaxda Urur Goboleedka IGAD.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la kulmi doona Madaxweynaha Kenya, iyagoo yeelan doona kulan gaar ah oo ay kaga wada hadlayaan xiriirka labada dal, iskaashiga, amniga, Shirka London kadhacaya May iyo arrimo kale.
Qaban qaabada lagu soo dhoweynayo Madaxweyne Farmaajo ayaa tan iyo shalay ka socotay Nairobi, iyadoo lagu wado in si heer sare ah loo soo dhoweeyo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.