Dhageyso:Beelaha Habar Gidir oo Ku baaqaday Cidii kasoo Horjeesata Dawlada Cusub waa in Ladhagaxeeyaa

Waxgaradka Beelaha Habar Gidir ayaa si diiran maanta waxa ay u soo dhaweeyeen Golaha Wasiirada Cusub ee Soomaaliya iyagoona ka dalbaday Xildhibaanada Baarlamaanka in ay meel mariyaan, Caaqil Xasan Cilmi Yaxye,Caaqil Xasan Cilmi Yaxye,Cabdullaahi Khaliif Rooble ayaa sheegay inay soo dhaweeynayaan Xubnaha Cusub ee Golaha Wasiirada iyagoo ku booriyay Xildhibaanada in ay taageeraan Xukuumadda Cusub islamarkaana codkodoa Kalsoonida ah ay siiyaan.

Waxayna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Xukuumadda kuna tar tarsiiyaan Xildhibaanada Ansixintooda, ugu dambayntii waxay ka codsadeen Golaha Wasiirada Cusub in iyaguna haddii ay helaan Kalsoonida Baarlamaanka ay noqdaan kuwa bulshoweynta Soomaaliyeed u adeega.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.