Boosaaso Oo lagu soo Bandhigay Markabkii lagu Afduubtay Dhawaan Xeebaha puntalnd .

Dekadda Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa maanta lagu soo bandhigay Markabkii ay qafaasheen koox la sheegay in ay ahaayeen burcad badeeda Soomaalida balse markii dambe lagu guuleestay in laga sii daayo Markabkaasi.

Markabka Arra-13 ayaa dhawaan lagu qafaashay xeebta Caluula ee Puntland, waxaana markabkaasi qabsaday koox sheegtay in ay kasoo horjeedaan sumeynta ay Maraakiibta shisheeye ka wadaan Badda Soomaaliya.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland C/Xakiin Cumar Cameey oo goob joog ka ahaa halka lagu soo bandhigay Marakabkan ayaa ku amaanay ciidamada Badda Puntlnad gacantii ay ka geesteen sidii Markabkaasi loo sii deyn lahaa.
markab

markab

markab

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.