Michael Keating oo la kulmay jaaliyadda Soomaalida Norwey

keating

Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating ayaa kulan la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Norway, waxaana kulanka ku weheliyay ergeyga gaarka ah ee Norway u qaabilsan Soomaaliya Jens Mjaugedal.

Kulanka oo ay soo agaasintay wasaaradda arrimaha dibadda Norway ayaa lagu falanqeynayay xaaladda Soomaaliya doorashada kaddib iyo doorka Qaramada Midoobay iyo beesha caalamku ay.ka qaateen. waxaana warbixin kaddib Su’aalaha ugu badan ee Keating la weydiiyay ahaayeen kuwo ku saabsanaa dib u dhiska ciidanka iyo sababta ay beesha caalamku arrintaas uga caga jiideyso.

Keating ayaa sheegay in xalka Soomalaliya uu ku jiro gacanta Soomaalida ku nool Soomaaliya iyo qurbaha. Beesha caalamka iyo dowladaha dariskana ay kaliya ka caawin karaan arrintaas, balse ay adagtahay inay Q. M. iyo Beesha Caalamku ay wax walba u hagaajiyaan Soomaalida.

Keating ayaa maanta oo jimca ah kulan la qaadan doono wasiirka arrimaha dibadda Norway, Børge Brende, waxaana la filayaa in kulankaas looga hadlo arrimo ay ka midyihiin Abaara jira Dalkeena Soomaaliya.
keating

keating

keating

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.