Dhibaatooyinka Soomaaliya ka jira maxaa sal u ah seese loo saxi karaa? W?Q Jimcaale

jim

Xaalada Soomaaliya waa mid aad u murugsan oo qalafsan,waxaa isusuran dhawr waxyaalood oo awal kala soocnaa,haddase inta isku milmay darfaha is haysta,kuna dagaalamaya oo isku haysta hawshii koox gaari fulin jirtay oo kuwo kale ku qabsadeen inta toodii dayaceenj,haddii aan soo qaadano ,Dawlad,Odaydhaqameed iyo culumaa,u Diin,maxay ahayd kaalintii ay qolo kasta dalka ku lahayd?

!-Aan ku hormarno Odaydhaqameed,kaalintiisu waxay ahayd horjooge beel inta miyiga ku nool oo ayyan joogin dawladu markii arin beesha dhexdeeda ah ama beelo kale ee reer miyi ah uga timaada buu kaalin fiican ka qaadan jirey,asaga ayaa xafiiska iyo booliska loo soo dacwoodo ahaa inta badana xal fiican buu ka gaari jirey asaga oo wax garad kale la kaashan jirey,wixii ku cuslaada wuxuu la kaashan jirey dawlada oo gacan siin jirtey,xal waara baana la heli jirey.

2-Culumadu waxay lahayd door muhiim ah oo bulshada muslimka ah ayyan ka maarmin sida fidinta diinta islaamka oo ay dadka bari jireen,maxkamadaha madaniga ah,sida guurka iyo furniinka,dhaxalka iyo waxyaala axkaanta in lagu xukumo loo baahdo oo shareecada Islaamka loo raacaayo ileyn ayyaga ayaa saaxiib u ahaa oo aqoonteed lahaa halka ay masaladeeda dhigaana waxay ahayd lama dhaafaan idii ka hortimaadana dawladu xoog iyo dhaqalaba waa ku bixin jirtay.

3-Dawladu waxay maamulaysay arimaha magaalooyinka, arimaha dibada labada kooxood oo aan kor ku soo sheegayna waxay siin jireen awood talo, dhaqaale iyo weliba xoog haddii ay u baahdaan si hawsha muhiimka ah oo ay bulshada u hayeen habsami ugu socoto marka la hubiyo in ay qodob xaq ah ku taagan yihiin.

Sidee wax yihiin manta,sow wax isku marugsan oo aan madax iyo mijo lahayn,shaqada kaliya ay sddexda kooxood iskugu yimaqadeena tahay kaalintii dawlada ayyada oo ay dayacan tahay labada koox oo kalekaalintii ay bulshada ugu jireen.

Maxaa xal ah?

-Waa dhibaatooyinka laga dhaxlay burburkii dawladii dhexe in hawshii dawladu fulin jirtey laysku qabsado oo saddexdaan kooxood isku milmaan,awood isku qabsigu wuxuu keenay in ay xooggag hubeysan isku adeegsadaan,mana sahlana in ay isu garaabaan oo qolo kasta hawsheeda qabsato,waa noo muuqataa qolada antara dhaafka ah oo kaalin ayyan lahayn isku riixaysa sida odeydhaqameedyada oo ay xaqiiq tahay in taladii miyiga ayyan magaalo ka socon Karin sharci darada dalka ku dhacdayna ka faa,ideystay,dhibkii uu abuuray miyi iyo magaalaba waa curyaamiyey ee xeelad kasta ha loo adeegsado in shartiisa la hakiyo inta qaranku cagahiisa ku istaagaayo.

-Culumaa,u Diinka waxaan leeyahay ,aqoontiinu waa koroortay waxaa idiin bidhaamay in dalka xukun kiisa cidina idin kagada habooneyn,shareecada islaamka in dalkaan looga baahan yahay waa xaqiiq sida aad ku doodaan,laakiin maahmaah baa oraneysa(Dhayda dhan xoortu ayyadaa kuu soo dhicine)arintu uma baahna qori,dadku waa wada muslim qof kaliya oo dalkaan shareecada in lagu xukumom diidan ma jiro,fadlan xisbi Islaamiya noon fura qoriga dhiga,waxaan isku haysano cadaw hawloogina iyo shisheeye na neceb oo aan sharaf noo ogolayn,2020 marka la gaaro waxaan hubaa haddii Ebbe idmo in qof kasta dhahaayo haah shareecada islaamka ee intaas dulqaad muujiya dalka iyo dadka u tura gaaladana naga taga waa heshiinay baa ku filan ayyada oo aan qof nooga dhiman.

-Dawlada waxaan kula talin lahaa in ay culumaa,u Diinka soo dhaweyso una ogolaato in ay xisbi siyaasiya furtaan si looga gudbo dagaalada iyo midimidi kutaaga cadawga iyo shisheeyaha fursda siinaaya,kaalinta ,islamarkaas cafis shuruud la,aan ah madaxda wadaada dagaalka mada lala galo si ay dhalinyarada iyon hubka ugu wareejiyaan dawlada,arintaas oo cadawga dalka dhabrjab ku noqon lahayd ciidamada shisheeyana iska huleeli lahaayeen.

Aan ku soo gabagabeeyo aan dhammaanteen garano in aan dalka iyo dadkayaga badbaadsano,in aan shareecada islaamka isku xukunana, waan hubaa in aan u bisilnahay yaanaan dhibaato u marin, waqtigana isku dheerayn.

Wabilaahi Towfiiq.W.Q.Cabdullaahi Jimcaale.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.